Mareykanka oo shidaalka ka joojiyey diyaraadaha isbaheysiga ee YEMEN

Washington (Caasimadda Online) – Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in la joojiyay howlgal ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay shidaal kusiin jireen diyaaradaha isbaheysiga Carabta ee duullaanka ku qaaday wadanka Yemen.

Mas’uul American ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyay in si rasmi ah loo hakiyay howlgal hawada shidaal lagusiin jiray diyaaradaha dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga marka ay duqeymaha ka geysanayaan Yemen.

Dhinaca kale wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa faafisay bayaan ay ku sheegtay  in hoggaanka isbaheysiga Carabta ay awood u yeesheen shidaal siinta diyaaradahooda Yemen ka howlgala sidaas daraadeed ay iyagu Washington ku wargeliyeen in ay joojiso howllihii shidaal siinta.

Diblumaasiyiin reergalbeed ah ayaa lagasoo xigtay in tallaabada uu Mareykanku ku joojiyay shidaalsiintii hawada diyaaradaha taxaalufka carabta ay kamid tahay jawaab celinta laga bixinayo dilkii saxafiga Jamaal Khaashquji oo Sacuudigu mas’uul ka ahaa.

Washington,Riyad iyo Abu Dhabi ayaa wadaag ku ahaa gummaadka shacabka Yemen afartii sanadood ee lasoo dhaafay balse cadaadis Mareykanka uga yimid hay’adaha sheegta in ay xuquuqul insaanka udoodaan ayaa ku qasbay in uu wax la bedelo taageerada uu siiyo taxaalufka carabta.

Mareykanka ayaa ku baaay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada Yemen ka socda, iyada oo ay dagaallada sokeeye oo seddex sano ka socday Yemen ay sababeen iney dalkaasi ka dhacaan macluushi bani aadaminimo ee ugu xumeeyd.

Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay dhinacyada isku hayo Yemen iney 30-ka maalmood ee soo socda gudhii ay ku billaabaan wada hadallo nabadeed oo dhibaatada Yemen ka taagan lagu soo afjaro.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo ee dagaalka kula jira dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ugu baaqay iney joojiyaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka sameeynayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@live.com