DF SOMALIA oo jawaab ka bixisay hadalkii Siciid Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ahaa in ciidamo la dul-dhigay, kuwaas oo uu tilmaamay inay gudaha u galeen garoonka Aadan Cadde.

Wasiir Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin ciidamo la geeyey garoonka diyaarada magaalada Muqdisho, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.

Dubbe ayaa sidoo kale xusay in madaxweyne Deni si qaldan wax loogu sheegay, maadaama isaga uusan banaanka u soo bixin, sida uu hadalka u dhigay.

Cismaan Abuukar Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu xiriiro la sameeyey taliyeyaasha ciidamada, islamarkaana ay u xaqiijiyeen in aan ciidamo la geyn garoonka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, kuna kalsoonaadaan dowladdooda iyo wada-hadallada socda ee xal-raadinta ah.

Ugu dambeyn wuxuu digniin u diray dad uu sheegay inay leeyihiin dano gaar ah, islamarkaana ay iska horkeenayaan ciidamada iyo madaxda Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib wareysi uu Siciid Deni siiyey BBC-da, kaas oo uu ku sheegay in lagu soo weeraray xerada Xalane, islamarkaana lasoo galiyey ciidamo daacad u ah madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).