DF Somalia oo jawaab ka bixisay is-bedelka socdaal ee dowlada Kenya ay sheegtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa iska fogeysay in Kenya ay la socodsiisey isbadal xagga socdaalka la xiriira, gaar ahaan dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah kadib markii ay Kenya soo celisay siyaasiyiin Soomaaliyeed, sidaasi waxaa sheegaya Agaasimaha Socdaalka.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi  oo la hadlay idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xafiiskiisa aan lala soo sameyn wax xiriir ah oo arrinkan ku saabsan.

“Go’aankan waa ku kaligood, wax nala soo xiriiray ma jirto”, waxaa sidaasi yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Waaxda socdaalka garoonka diyaaradaha ee  Jomo Kenyatta International Airport (JKIA)  ayaa laga soo xigtay iney sheegeen inuu jiro isbadal xagga socdaalka ah gaar ahaan dadka sita baasaboorada diblomaasiga ah, kuwaas oo laga dalbaday iney fiiso ka soo qaataan safaaradda ay Kenya ku leedahay Soomaaliya.

“Wey ogyihiin sharciga iyo isbadallada, mana isbadalin arrinkaas” sidaasi waxaa The Standard  u sheegay ilo ka tirsan waaxsa Socdaalka.

Saaka waxaa magaalada Muqdisho lagu soo celiyey ku-xigeenka wasiirka tamarta iyo biyaha Cusmaan Liibaan, Senatorada Ilyaas Cali and Zamzam Daahir, kuwaas oo xalay ku baryey garoonka  JKIA.

Saraakiishan ayey aheyd in iyaga iyo wasiirrada Qorsheynta iyo caafimaadka Jamaal Xasan iyo Fowsiyo iyo la-tilaya amniga ee Farmaajo Cabdi Saciid ay shir uga qeyb galaan Nairobi. 3-da dambe waxaa ay la soo baxeen, oo Kenya ay ku galeen baasabooro aan Soomaali aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com