Wasiirka arrimaha dibedda Kenya oo sheegtay sababta loo xanibay mas’uuliyiinta DF

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa si kooban uga jawaabtay sababta wasiiro iyo xildhibaano Soomaali ah loogu diiday inay galaan magaalada Nairobi oo garoonka loogu xanibay.

Monica Juma ayaa sheegtay inaysan wax badan kala socon faah-faahinnada sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee aysan la yaab ku noqon in dad aan Visa wadin loo diiday inay galaan dalkaas.

“Dhammaanteen waxaan ku safarnaa Visa, sidaas darteed haddii aadan haysan Visa way adag tahay inaad dalkeenna soo gasho” ayey tiri Monica Juma.

Waxay intaas ku dartay “Weli ma hayo faah-faahinnada dhacdadan, balse la-yaab ayay igu noqon doontaa haddii qof Visa watay laga hor-istaagay inuu dalka soo galo, aad ayaan taas ula yaabi doonnaa.”

Si kastaba, Monica ayaa u muuqata mid iska indha tireysa islamarkaana aan bixin jawaabta rasmiga ah ee laga doonayey oo ah sababta mas’uuliyiinta Soomaaliyeed Visa-ha loogu diiday.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey heshiis ah in mas’uuliyiinta wata baasaboorada diblomaasiga Visa-ha lagu siiyo garoonka, taasi oo u muuqata in Kenya ay hadda joojisay.

Dowladda Soomaaliya weli wax jawaab ah kama aysan bixin tallaabada ay qaadday dowladda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com