Ujeedada Kenya ka leedahay talaabooyinkii ay qaaday iyo jawaabta ay bixin karto DF

Dowladad Kenya ee Xuduuda la wadaagta Soomaaliya,  waxaa lagu tuhmayaa in ay ka mid tahay wadamada ka faa,iideystay Burburkii Soomaaliya, walina ku taamaya in Soomaaliya aysan ka dhalan Dowlad Xoog leh oo hanata Dhamaan Dalka Soomaaliya Xuduudihiisa Barriga iyo Badda, iyadoo ka leh dano Dhaqaale iyo mid Siyaasadeed.

Dowladda Kenya waxaa Dalka Soomaaliya ka jooga Ciidan huwan Shaarka AMISOM ee Howlgalka Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta lagu Sheego, iyadoo ujeedada ay uga mid noqotay ay tahay mid u suurta gelineysa dano Siyaasadeed iyo Amni, taas oo u noqotay Dabool ay Soomaaliya kusoo geli karaan Ciidankeedu kana bixi karaan marka ay Doonaan.

Haddaba Xiliyadii u danbeysay ee khilaafku Soo kala Dhex galay Dowladda Kenya iyo Soomaaliya waxay Ciidamada Kenya ka baxeen Fariisimo waaweyn oo ay ka deganaayeen Gobolada Jubooyinka, talaabadaas oo ah Cadaadis siyaasadeed ee ay saareyso Dowladda Soomaaliya iyadoo muujineysa in ay ka heyso aagag Dagaal,  ujeedadeeduna ay tahay in Soomaaliya ay Sameyso tanaazulaad Dhanka Muranka Badda ee Garqaadkiisu yaallo Maxkamadda Caalamiga ah ICJ, ayna Dooneyso Kenya in lagu Dhameeyo heshiis dhex mara Labada Dowladood  iyadoo ka Cabsi qabta go,aanka kasoo bixi doona Maxkamadda ICJ oo ay Soomaaliya ku adkeysaneyso in aysan gorgortan ka baxsan Maxkamadda la geleynin Kenya.

Joojinta Duulimaadyada Tooska ah ee Nairobi -Muqdisho

Waxaa jiray heshiisyo dhex maray Kenya iyo Soomaaliya oo lagu fududeynayo isu socodka Duulimaadyada ee Labada Dal, waxaana Bilowday fulinta heshiisyadaasi, iyadoo ay Kenya bilowday Duulimaadyo toos ah ee Labada Caasimaadood ee Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Diyaaradaha u Socda  Nairobi baaritaan lagu marsiin jiray garoonka Diyaaradaha Wajeer soo Saacado qaadan jiray.

Kenya ayaa u aragtay joojinta Safarada Tooska meel ay ka Cadaadin karto Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqday horraantii Bishan May in ay Joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi Muqdisho, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay Go,aan Siyaasadeysan.

Tallaabooyinka Kenya ayaa u muuqata mid ka gudubtay Heer Shacab una Gudubtay Heer Diplomaasiyadeed  ka dib Markii Garoonka Diyaaradaha Nairobi lagu xayiray Waziiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya loona diiday in Dal ku galka (Visa) loogu dhufto Passportka Diblomaasiga ee ay sitaan mas,uuliyiinta Dowladda Soomaaliya, taas oo u muuqata tallaabo muujineysa in Kenya aysan wax Qiimeyn ah haba yaraatee u heynin Dowladda Soomaaliya.

Maxay tallaabooyin ah oo ay Qaaday Soomaaliya?

Waa Su,aal meesha taal marka la eego talaabooyinka Diblomaasiyadeed ee Dowladuhu qaadaan ka dib markii dal kale uu qaado Tallaabo Diblomaasiyadeed oo wax yeeleysa Danaha Dalkaasi, balse Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ka gaabsaneyso Dowladda Kenya marka laga Reebo Qoraallo aan Xanaf laheyn uusana ka muuqan go,aan u dhigma kan ay Kenya qaaday oo kasoo baxayay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya,  arrinkaas oo loo fasiran karo in Dowladda Soomaaliya ay gabtay mas,uuliyadii ka saarneyd Dalka, ayna tahay in Dalka laga daafaco Dhibaatooyinka lasoo gudboonaada Dhan walba.

Danaha uga Xiran Soomaaliya Kenya ?

1-Qaxooti Badan oo Soomaali ah laguna qiyaaso 1 Million oo ku nool Kenya kuna Leh Ganacsi aad u ballaaran,  iyo kuwo ku nool Xeryaha Qaxootiga.

Danaha Kenya uga Xiran Soomaaliya

1-Dhoofinta Qaadka oo ay Kenya usoo Safriso Dalka Soomaaliya oo ah suuqa Kaliya oo u furan Kenya oo ay ka heshoo Maalintii lacag Dhan $4 Million oo Doolar, Dhanka Soomaaliyana ay ka hesho Canshuur kumanaan Doollar ah  .

1-Ciidamada Kenya ee Ka tirsan Amisom oo Mushaar ku qaata Joogistooda Soomaaliya oo askrigii uu qaato Lacag Dhan $1000 Dollar.

Fal Celinta Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in ay eegto Muga ama inta ay la egyihiin Danaha ay weyneyso haddii uu si Rasmi ah u joogsado Xiriirka kala Dhaxeeya Kenya.

Haddaba Danaha Dhaqaale ee Labada Dal ay kala leeyihiin markii la is barbar dhigo waxaa soo baxeysa in Kenya ay Faa,iido Badan ku qabto Soomaaliya, Haddii uu Joogsado Xiriirka Labada Dal ay Kenya Dhibaato ku tahay marka loo eego Dhibaatada Soomaaliya ay kala kulmeyso.

Marka dib loo milicsado Tallaabooyinkii ay Dowladda Soomaaliya horay u qaaday waxaa ka muuqda in Soomaaliya ay aad isku Dajineyso, iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo Wada Hadalo u tagay Nairobi ka dib soo jeedintii Ra,iisul Wasaaraha Ethiopia Dr.Abi Axmed kaas oo u muuqda mid aan dan ugu Jirin Badda ay raadineyso Kenya oo Haddii ay Xuduud Badeed kala Dhaxeyso La filan karay in uu maro Dhanka Kenya, Balse Doonaya in uu Sambaatiyo ka sameysto Soomaaliya oo Leh Dekedo u Dhow Xuduudeed Itoobiya uuna La gaari karo Heshiisyo ay Ethiopia ku adeegsaneyso Dakadaha Soomaaliya .

Sida ka muuqata Tallaabooyinka Kenya waa kuwo ay ku daandaansaneyso Soomaaliya iyadoo dooneysa in ay ku jawaabto Go,aano lagu Deg degay oo Qaldan Dhanka Diblomaasiyadda,  maadaama Soomaaliya ay kenya ay ku Fadeexoday Ceyrintii Safiirka Soomaaliya iyo la Bixitaanka Safiirkooda Soomaaliya oo aysan Soomaaliya Siin Jawaab Kulul balse ay Bixisay Jawaab miisaaman oo aan xanaf laheyn, taas oo aduunka tustay Bislaashada iyo Xasiloonida Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Tallaabooyinka La Gudboon Soomaaliya

1-in iyadoo aan Xiisadda Gaarsiineyn Heer Goysmo ay Cabasho u Gudbiso Safiirka Kenya ee Soomaaliya tallaabadii Xayiraadda Mas,uuliyiinta Soomaalida ee Garoonka Nairobi,  isla markaana Wada tashi ugu yeerto Safiirkeeda u fadhiya Kenya.

2-in ay Dacwad u Gudbiso Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD maadaama Kenya ay Jabisay heshiis Laba geesood ah, isla markaana Xayirtay Diblomaasiyiin Dal Daris ah, Taas oo keeni karta in Kenya ay la Kulanto Canaan Siyaasadeed.

3-in ay ka Codsato IGAD in Ciidanka Amisom ee Kenya laga saaro Dalka Soomaaliya maadaama uu yahay Ciidan Siyaasadeed oo loo adeegsanayo Cadaadis Siyaasadeed.

Dhibaatooyinka Soomaaliya uga imaan karta Qaadista Talaabooyinkaas.

1-Talaaabada 1aad ee Cabasho u Gudbinta Safiirka Kenya Soomaaliya wax dhibaato ah uma keeni karto, Balse waxaa dhici karta in Wada tashi ugu yeerashada Safiirka Soomaaliya ay Kenya u fasirato Goyn Xiriirka Diblomaasiyadeed, Sidaas darteedna Qodobka hore uu Haboon yahay.

2- u Gudbinta Dacwad Midowga Afrika iyo IGAD wax dhibaato ah Soomaaliya ugama imaan karaan, waxayna u badan tahay in ay ku faa,iido maadaama ay tahay Xaq ay leedahay Soomaaliya oo Macquul ah.

3-Codsiga ka saarita Ciidanka Kenya ee AMISOM waa Tallaabo Soomaaliya u keeni kara faa,iideyo in ay joogsato Cadaadiska ay Kenya ka dhiganeyso Ciidankooda, Sidoo kalana Midowga Afrika u arki karo Tallaabo Soomaaliya ay ugu geftay Guud ahaan Ciidanka Amisom, waana in la isku barbar dhigaa Labadaas Faa,iidadooda iyo Khasaaraha  waxaana wanaagsan in la qaato kan Dhibka yar ee ah in aan La qaadin talaabadaas sida ay aniga igula Muuqato, Maadaama Dowladda Soomaaliya ay tabar yartahay aysana ka maarmin AMISOM.

Gabagabadii waxaa meesha yaalla Dhib Culus oo Gaaray Karaamada iyo qaranimada Soomaaliya Dowlad iyo Shacab, waxaana muhiim ah in Lasoo celiyo lagana hor mariyo Dan Kasta, waxaana waajib ah in laga bixiyo Tallaabo Diblomaasiyadeed oo mizaaman isla markaana Laga fekeray. 

W/Q: Bashiir Maxamed Maalin
Mr.bashiir088@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid