27.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

DF Soomaaliya oo qorshe culus ku dhowaaqday kadib qabsashadii Beledxaawo

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal culus ka fulisay degmada Beledxaawo, ugu dambeyna la wareegtay ayaa haatan ku dhowaaqay qorshe culus oo xasilin ah, iyadoo farriin u dirtay shacabkii isaga barakacay degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ee garabka dowladda Shire Keynaan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta degmada ayaa ka hadlay xaaladda guud, wuxuuna ugu horreyn ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday magaalada, gaar ahaan waxyeelada loo gaystay shacabka.

Shire Keynaan ayaa bulshada degmada ugu baaqay inay kusoo laabtaan guryahooda, isaga oo xusay in adeegyada dowladnimada ay dib u bilowdeen sidoo kalena la fasaxay korontada, biyaha iyo isgaarsiinta magaalada oo horay loo jaray, intii ay socdeen dagaallada.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada degmada Beledxaawo waxaan idin-kaga tacsiyeynayaa dhibkii idin-ku dhacay ee barakac lahaa, burburka lahaa, dhimashada lahaa, go’doonka lahaa, runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay, mana mudeyn. Hadda wax kasta dib ayaa la’idin kuugu fasaxay ee soo laabta” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddda wixii ka dambeeyo waxaan sii wadi doonaa shaqooyinka aad nagu taqaaneen ee hormarka ahaa ma idin cunaqabateyn doono, laakiin waxaan idin-ka dhayi doonaan dhibkii la’idin gaystay, kusoo laabta magaalada guryihiina, waa nabad Beledxaawo”.

Dhanka kale, waxa uu dalab culus u diray ragga la safan Axmed Madoobe ee magaalada laga saara, isaga oo ugu baaqay inay kusoo laabtaan deegaankooda, ayna la shaqeeyaan dowladooda.

“Ragga saaxibadeenna ah waxaan leeyahay soo laabta dowladnimada ayaa idin baahan gobolka ayaa idin baahan wiilasheenna ayaa tihiin” ayuu mar kale yiri Shire Keynaan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay galab ciidamada dowladda ay dagaal kula wareegeen guud ahaan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo dagaallo culus ay ka socdeen muddo toddobaad ah.

Ciidamadii taabacsanaa Jubbaland dhinaca ay u jabeen ayaa sidoo kale warar kala duwan ay ka soo baxayaan, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan inay ka talaabeen xuduud beenaadka xiga Kenya.

- Advertisement -

Read more

Local News