27.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Wasiir FIQI oo shaaciyay arrin uu soo afjarayo maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dhismaha dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo beddalay maamulkii KMG ahaa ee SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay inuu maamulka uu cusub uu soo afjarayo rajadii Somaliland ee gooni-goosadka.

Ugu horreyn Fiqi ayaa hambalayo iyo bogaadin u diray dadka deegaanka ee ku heshiiyay inay dhistaan maamulka cusub, wuxuuna qiray in laga maray dhib badan, balse ugu dambeyn lagu guuleystay in dowlad-goboleed ay yeeshaan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulka Waqooyi Bari uu noqonayo maamul macno iyo maamuus gaar ah u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu soo yareynayo rajadii gooni-goosadka, sida uu hadalka u dhigay.

“Hambalyo Dawlad Goboleedka Waqooyi- Bari Soomaaliya. Waa maamul dhismihiisa loo maray dhib badan, waana maamul macno iyo maamuus gaar u leh dadka iyo Dawladda Soomaaliya isu hayntooda. Ma ahan maamul gacmo iyo garab shisheeye ku yimid ama uu qeyb ka ahaa. Waa maamul bilay midnimada dalka soona yareeyey rajadii gooni-goosadka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa kale oo uu u rajeeyay maamulka cusub inuu horseedi doono midnimo iyo horumar way oo ay ku tallaabsadaan dadka deegaanka ee ku dhaqan saddexdaas gobol.

“Waxaan u rajaynyaa dadka reer Waqooyi-Bari in maamulkani u horseedo midnimo, horumar iyo badhaadhe” ayuu sii raaciyay Axmed Macallin Fiqi.

Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

Si kastaba ha’ahaatee, Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News