DF Somalia oo ku qasban inay xaliso tabashada maamul gobaleedyada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku qasban in ay xaliyaan khilaafka madaxda maamul Gobaleedyada oo gaaray meeshii ugu sareysay tan iyo markii ay xilka qabteen Farmaajo iyo Kheyre.

Culeesyo badan ayaa ka dhashay khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo maamul gobaleedyada waxayna horseedeen in ay qabsoomi waayeen waxyaabo badan oo shaqooyinka dowladda ah.

Beesha caalamaka ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliishay in ay kasban waysay maamul Gobaleedyada guul darro kastana ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya sida laga sheegay in kulamo ka dhacay Muqdisho.

Wadamada taageera Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya hogaankeeda ka dalbaday in ay kasbanaan oo ay xaliyaan tabashoyinka maamul Gobaleedyada si looga gudbo caqabadaha ku horgudban shaqooyinka dowladda.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ka hor inta aysan Wafdigeeda u bixin Garowe laga dalbaday in ay xal ka keenaan tabashada maamul gobaleedyada hadii ay dhici waysana ay dowladda mas’uul ka noqon doonto dib u dhac kasta oo ku yimaada geedi socodka Nabadda Soomaaliya.

“Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha waxaa looga baahan yahay in ay soo laabtaan iyagoo xal kawada tabashada maamul Gobaleedyada waana ku qasban yihiin, sababtoo taageerada dowladda ayaa ku xiran iyo shaqo la qabto” ayuu Caasimada Online u sheegay Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf.

“Waxaa muuqata in hogaanka dowladda Soomaaliya aysan noqon sidii laga filayay sanadkii 2017  markii ay doorashada dhacday balse hada waxay leedahay daba-qabasho maadaama ay u harsantahay waqti, waana in ay la heshiisaa dowlad Gobaleedyada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com