7 fursado iyo 5 caqabado: Wax ka ogow shirka DF iyo maamul goboleedyada

Shirka Garoowe ee Madaxda Federaalka iyo Gobalada ayey horyaaliin Fursado qaali ah iyo Caqabado yar;

A. Fursadaha cusub ee horyaal shirka Garoowe waxaa ka mid ah:

1. In aan Ajnabi ku dhex-jirin Madaxda dalka, saameynta uu ku leeyahayna ay yartahay.

2. In Madaxweyne Deni iyo reer Puntland ay rabaan in gogoshooda lagu heshiiyo, iyada oo 3 bil ka hor la isku cafiyey iyo in Madaxweyna-hooda cusub uu noqdo horseedka Puntland iyo Federaalka.

3. Dawladda Federaalka oo uga qeyb gashay heerkii ugu sareeyey, lana tagtay Ajande iyo Qorshe midaysan.

4. Dadka Somaaliyeed 99% oo raba in la heshiiyo, lana wada shaqeeyo, horayna loo socdo, culeysna lagu saaro Madaxda heshiis.

5. Faragelintii iyo kala jiidashadii shisheeye oo yaraatay xag Siyaasad, Ciidan iyo Dhaqaale.

6. Golayaasha Federaalka oo horay u wada shuruucda doorashooyinka iyo khayraadka dalka.

7. Shirka Garoowe oo kusoo beegmay bilashada bisha Ramadaan ee barakeysan oo lagu furay lala-na garab-taaganyahay Duco, Tawbad iyo Cidaado habeen iyo maalin ah.

A. Caqadaha ku gudban ee la rajeynayo in laga gudbo waxaa ka mid ah:

1. Madaxda Gobalada oo aan isku Ajande aheen, isku danna aheen, isku awoodna aheen.

2. Madaxweynaha Galmudug iyo Jubbaland oo ka Baqaya doorashada Gobaladooda sanadkaan iyaga oo jecel in ka hadalka doorashadooda laga hor-mariyo ka hadalka doorashada 2020 ka, halka Madaxda kale ay u arkaan in ay tahay arrimo u gaar ah labadaas Gobal kaliya.

3. Madaxwenaha Puntlan iyo Jubbaland ayaa raba in dib loo dhigo sharciga Patroolka iyaga oo ku doodaya in aan weli sahmin lagu sameen Gobalada Puntland? Welina aysan cadeynin Maxkamada Cadaalada Adduunku muruka Badda ee Jubbaland? Halka ay 4 ta Gobal ee Koofur-galbeed, Benaadir, Hirshabelle iyo Galmudug ay rabaan in la dedejiyo sharciga Patroolka? Kadib markii ay ka gudbeen sahmintii iyo murunkii shisheeye, diyaarna u yihiin heshiisyada iyo qandaraasyada shidaalka dalka.

4. Madaxweyne Deni oo raba in uu isku wado fursadaha Federaalka iyo kuwa Imaaraadka.

5. Dawladda Federaalka oo rabta in ay isku haysato awooda dawladda dhexe iyo dhaqaalaha federaalka, halka gobaladu rabaan in awooda wax laga siiyo ama dhaqaale loogu bedelo, sidii looga bartay dawladihii hore.

Ugu danbeyn Shirka Garoowe Fursadaha horyaal ayaa ka badan Caqadaha ku gudban, waxaana u rajeynayaa in ay kasoo baxaan guulo loo aayo!

Dadka Somaaliyeed na waxaa la gudboon in ay ku taageeraan Duco iyo Talo!

W/Q: Maxamed N. Gacal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid