Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in beri wixii ka dambeeya dhammaan la joojiyey duulimaadyada gudaha ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo goboladda kale ee dalka.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in kaliya duulimaadyada loo ogol yahay diyaaradaha sida gargaarka, siiba kuwooda sida daawooyinka iyo raashinka
Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inuu weli halkiisa yahay amarkii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga, islamarkaana uu sii socon doono illaa amar dambe.
Ugu dambeyn wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa shirakadaha ka shaqeeya duulimaadyada ka dalbatay inay u hoggaasamaaan amarkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa si guud u wada qorshe ballaaran oo looga hortagayo caabuqa Corona, kaas oo sadex kiis oo ka mid ah laga helay magaalada Muqdisho.