Xog: Somaliland oo sifo yaab leh kusii daysay dad looga shakisanaa Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xogo aan helayno ayaa sheegaya in saacado ka hor ay Odayaal dhaqameed ay damiin ahaan kusii daayeen Dad kamid ah Lixdan qof oo Xukuumada Biixi u karantiishay fayruska faraha ba’an ku haya dunida ee Covid-19 ama Coronavirus.

Somaliland ayaa dhowaan dad badan oo tiradoodu aheyd Lixdan qof u karantiishay fayruskaas, kuwaasi oo ay siday diyaarada Ethiopian Airlines oo iyadu duulimaadyadeeda caadiga ah ku timaada madaarka Hargeysa ee Cigaal.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar kamid dadkaasi ayey fasaxday Xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi, iyadoo tixraaceysa damaanad qaadka Odayaashooda dhaqanka.

Sidoo kale waxa la filayaa in Saacadaha soo socda in Dad kale oo badan lagu sii daayo damaanad, isla markaana Odayaashooda dhaqanku ay ka madax furtaan goobta lagu karantiilay.

Talaabadan oo ah mid halisteeda wadata ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa ku kalifay Xukuumada Muuse Biixi, kadib markii Muran baahsan uu soo kala dhex-galay dadkii la karantiilay iyo Xukuumadooda.

Dadka la karantiilay ayaa la dajiyey Huteelo qaali ah, kuwaasi oo ay ku doodeen inaysan awoodin in mudada Karantiilka ay iska bixiyaan kharashaadka ku baxaya, maadama aysan hore ugu soo talo galin, sida ay sheegeen.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ku qasbanaantay muran dheer kadib inay kafaalad qaado kharashaadka ku baxaya Dadkaasi, midaasi u muuqata inay awoodi weyday inay hayso muddo badan, taasi oo keentay inay damiin ahaan ku-siiso odayaashooda dadkaasi.

Somaliland ayaa si ay uga baaqsato kharashaadka badan ee ka soo fuulay Karantiilka dadkaasi ayaa u muuqata inay door-biday sii deyntooda, iyada oo dadkaasi qaarkood ay baaritaan caafimaad kasoo marin wadamadii ay ka yimaadeen.