DF SOMALIA oo shaaca ka qaaday xilliga dib loo furayo duulimaadyada caalamiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalkaas.

Wasiirka Gaadiidka dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in Saddexda bisha soo socoto dib loo furi doono duulimaadyadda Caalamiga ah.

Golaha Wasiirrada ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona.

Shirka ayaa lagu shaaciyay in Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa golohu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.

Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga, hase yeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo cudurka COVID-19 looga baaro dadka garoonka kasoo dego.

19-kii Maarso ayaa la joojiyay dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee tagi jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasoo iyana qeyb ka ahayd dadaallada lagu xakameysano fayraska sababay cudurka safmarka ah.

Horraantii bishan waxa ay dowladda dib u furtay duulimaadyadii gudaha isaga kala gooshi jiray.

Inkasta oo duulimaadyada caalamiga ah ay si rasmi ah u xiran yihiin muddo bilo ah, haddana Caasimada Online ayaa ogaatay in diyaaradda Turkish Airlines ay Muqdisho imaneysay toddobaadyadii dhowaa, mana cadda sababta.

Toddobaadkan oo kaliya waxaa Muqdisho yimid saddex duuliimaad oo Turkish Airlines ah, kuwaasi oo kasoo tegay Istanbul, kuna soo hakaday Jabuuti ka hor inta aysan iman Muqdisho.

Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa tagtay Hargeysa, ayada oo si toos ah u jebineysa amarka dowladda Soomaaliya.