DF Somalia oo shaaca ka qaadday qorshe ajaaniibta dalka ku nool saamaynaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday qorshe ay ku bilaabeyso diiwaan gelinta dhamaan ajaaniibta ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa booqday waaxaha xariirka dibadda, Qorsheynta, Howlaha iyo latalinta sharciga ee dowladda.

Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda Qaxootiga Qaranka, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira qaxootiga kusoo laabanaya dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya oo ay hadda ay kusoo laabanayaan Soomaali horey dalka kaga cararay ayaa waxaa haddana ku sugan qaxooti ka yimid dalalka Yemen, Tanzania, Ethiopia iyo Syria, kuwaasi oo qaarkood si sharci ah kaga shaqeysta dalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa ku heshiiyey hab-raaca diiwangelinta ajaanibta qaxootiga ku ah dalka, iyo sidoo kale hababka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com