Jubaland oo jawaab adag siisay xildhibaannadii kasoo cararay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa u jawaabay xildhibaano dhawaan sheegay in laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiye Cabdi Maxamed C/raxmaan  ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in xildhibaanada Jubbaland laga masaafuriyay magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Khadiijo Kuwait ayaa maalmo ka hor ka sheegtay magaalada Muqdisho  in nafteeda ay kala soo baxday magaalada Kismaayo kadib markii dil loogu hanjabay, waxaana ay sheegtay inay ka horyimaadeen qodobo la doonayay in dastuurka laga badalo.

Waxaa kale oo xildhibaan Khadiijo ay sheegtay in beelaha qaar lagu takooro deegaanada Jubbaland, iyadoo caga jugleyn ay kala kulmaan xubnaha ku matala maamulka sare ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan eedahaas ay yihiin waxba kama jiraan Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee Maamulka Jubaland ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan.

Waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan Beelo si gaar ah loo takooro isaga oo sidoo kale sheegay in Maamulka iyo dadka degaannada Jubaland ay si wadajir ah u shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com