Warbixin: Sababta shaqada looga joojiyey gudomiyaha degmada YAAQSHIID

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa markale Shaqo joojin ku sameeyay guddoomiye Degmo xili uu dalka ka maqan yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow.

Axmed Maxamed Xasan ayaa laga joojiyay shaqada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana ka joojiyay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaiiyadda gobolka Banaadir.

Sababta ugu weyn ee guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Shaqada looga joojiyay ayaa lagu sheegay inay tahay musuq maasuq iyo isdaba marin dhaqaale oo lagu arkay, sida xogaha aan ku heleyno.

Waa markii labaad ee uu Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo isagoo ah kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa horey sidan oo kale shaqo joojin ugu sameeyay Cumar Shariif Jeeg oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamarweyne.

Marka laga yimaado eedeymaha Musuq maasuq ee xubnaha gobolka Banaadir lagu eedeeyo ma jirto ilaa iyo hadda shaqsi ka tirsan gobolka oo Maxkamad loosoo taagay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com