Wargeys shaaciyey dagaal Israel ay qorsheyneyso in ay ku qaado dal Carbeed

Moscow (Caasimada Online) – Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay qorsheeneyso dagaal buuxa oo ay ku qaaddo Syria, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan dalkaas.

Wargeyska ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweyne Trump ciidamadiisa uga saarayo Syria uu ku qasbay Israel inay wajahdo joogitaanka Iran ee dalkaas.

Wargeyska ayaa kasoo xigtay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman isaga oo leh “Bixitaanka ciidamada Mareykanka waxay sare u qaadday suurta-galnimada ah dagaal baaxad weyn oo ka dhaca waqooyiga, haddii ay noqon lahayd Lebanon ama Syria.”

Lieberman ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay sare u qaadi doonto niyadda madaxweyne Bashar Al-Assad iyo xulufadiisa Iran iyo kooxda Xizbullah.

Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ayaa kasoo xigtay khabiir miltari oo Russian ah, Yuri Liamin inuu yiri “Hadalka Lieberman, Iran kama soo qaadi karto mid la iska yiri”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii bishan si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria.

Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska London 
Caasimada@live.com