Kenya: Milatarigii Somalia ee dagaalki 1977 ayaa nagu qasbay waxaan ku fakarin

Nairobi (Caasimada Online) – Dukumenti la daabacay bartamihii sannadihii 1970-aadkii ayaa waxa uu muujinayaa inay Milliteriga XDS ka mid ahaayeen Ciiddanka ugu awoodda badan dalalka Geesska Afrika, halka ay Milliteriga Kenya kaalinta ugu hooseysay kaga jirta Cududa Milliteri ee Gobalka.

Warbixin dheer oo lagu soo daabacay Wargeyska maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa lagu muujiyey inay Milliteriga Somalia uu lahaa Jeysh xooggan oo tiradooda dhamayd 20,000 oo Askari oo 3,000 ka mid ahaayeen Ciiddanka Badda, halka 2,700 kalena ahaayeen Ciiddanka Cirka.

Waxaa kaloo ciiddankaasi ka mid ah Ciiddanka qaada dagaalka Jabhadaynta, kuwaasi oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogeyn.

Ciiddanka XDS waxay kaloo lahaayeen Qalabka Dagaalka, oo ay ku jireen 200 ee Taangiyadda T 24 iyo T 54, 310 Gawaarida Gaashaaman, 100 Gantaalladda Lidka Diyaaradaha, 62- Diyaaradaha Dagaalka ee noocoodu ahaa Miig oo lagu soo farsameeyey dalkii Midowga Soofiyeeti (USSR).

Waxay kaloo lahaayeen 14 doonyaha dagaalka ee wax burburiya.

Warbixinta la diyaariyey sannadihii 1970-aadkii, waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Kenya kaalinta ugu hooseysa ku jiraan oo ay lahaayeen 6,500 Askari oo keliya, 700 Ciiddanka Cirka iyo 730 Ciiddanka Badda iyo 1,800 ee Ciiddanka sida Milliteriga u tababaran ee GSU.

Gaadiidkooda Milliteri waa koobnaa, waxayna Warbixintu sheegtay inay lahaayeen 10 Gawaarida Gaashaaman, 14 Diyaaradaha Dagaalka ee Hunter FGA 9, 16 Hoobiyayaasha cabirkoodu kala ahaa 81 milimitir iyo 120 milimitir, 4 doonyaha wax lagu ilaaleeyo oo uu saarnaa qoriga BOFORS oo dhumucdiisu ahaye 4.4 milimitir.

Dhinaca kale, Wareysi lala yeeshay Wasiir ka tirsanaa Dowladii Kenya ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Jomo Kenyatta, oo lagu magacaabo Geoffrey Kareithi waxa uu ku sheegay inay Awoodda Ciiddankii XDS ahayd cabsida ugu weynaa ee Kenya, taasi oo sababtay in la qaado tallaabooyin ay isku hubeynayaan.

Geoffrey Kareithi oo la hadlay Wargeyska Nation waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka XDS sannadkii 1978-kii dagaal la galeen Ethiopia, taasina ay keentay inay Diyaaradaha Dagaalka Somalia soo dul-maraan Hawada Kenya si ay u duqeeyaan Ethiopia.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Taangiyadda dheereeya ee Somalia ka gudbi jireen magaalladda Mandera, si ay uga duqeeyaan dalka Kenya.

“Ciiddanka XDS waxay xilligaasi nagu khasbeen inaan wax ka bedelno Istraaatijiyadda Difaaceena” ayuu yiri Geoffrey Kareithi.