Sarkaalki dagaalayahanada usoo qori jiray Daacishta Soomaaliya oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Howgal ay sameeyeen Ciidamada Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayey sheegeen in ay kusoo qabteyn sarkaal ka tirsan Daacishta Soomaaliya.

NISA ayaa sheegtay in howgal gaar ah oo hori loo sii qorsheeyay in ay kusoo qabteyn sarkaalkaas oo ay sheegeen in Daacish uu u qaabilsanaa soo tashkiilinta iyo dagaalyahanno ka dhigista dhalinyarada.

Waxa ay qoraalka ay kusoo baahiyeen bartooda Twiterka ku sheegeen in xubinta Daacish ay soo qabteyn 23’ka bishaan, balse ma sheegin magaciisa iyo xog intaas dheer oo ku saabsan.

NISA waxa ay intaas ku dareyn in howgalkaasi aynan cidina wax ku noqon oo uu ahaa howlgal qorsheysan, balse halka ay howlgalkaasi ka fuliyeen ma aysan sheegin.

“Hawlgalkan oo aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, ku soo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com