DF Somalia oo shirweyne caalami ah uga qeyb-gashay Shiinaha

Beijing (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb-galay shirweynaha caalamiga ah ee ”Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Shirweynahan oo ay si wada-jir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax iyo aqoon-yahano ka kala socda dalalka Shiinaha iyo Afrika.

Furitaanka shirka, waxaa khubd dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isaga oo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba.

Danjiraha ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan arrimaha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhaxeeyo.

”Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana markaas kadib aas-aasnay wada shaqeyn ku saleysan ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi udub-dhexaad illaa iyo hadda u ah xiriirka labada dal,” ayuu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka.

Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shiinaha-Afrika “China-Africa Institute” (CAI) iyo Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha Chinese Academy of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalamiga ah ee daraasaadka caalamka ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika.