Xasan Macalin: Qofna ku baxsan maayo inuu yahay sarkaale sare haddii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Macalin ayaa shaaciyay in dagaalka musuq-maasuqa ka dhanka ah ee ay bilaabeyso dowladda federaalka Soomaaliya aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in musuq-maasuqa uu yahay caqabadda ugu weyn ee horseedi karta burburka ku yimaada horumarka dadka iyo dalka.

“Qofna laguma dulminayo in uu yahay sarkaal hoose, qofna kuma baxsanayo in uu yahay sarkaal sare marka howshu joogto musuq-maasuq,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha garsoorka XFS Mudane Xasan Macalin

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu xusay in musuq-maasuqa ay u arkaan caqabad dhaqaale “oo wiiqi kara horumarka dadka iyo dalka,” sidaas darteed ay dowladda ka go’an tahay in la si dhab ah loola dagaalamo.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka qorsheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo shalay Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

Qaraarkan ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha.

Sidoo kale waa mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.