DF Somalia oo taageertay tallaabadii uu qaaday boqor Cabdalla-ha dalka Jordan

Amman (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageereyso tallaabooyinka uu qaaday boqorka Jordan Abdalla bin Hussein ee ka dhanka ah walaalkiisa Hamza bin Hussein iyo xubno kale oo laga shakiyey.

Mas’uuliyiinta Jordan ayaa Sabtidii xiray in ka badan 20 qof, waxayna xannibeen dhaq-dhaqaaqyada dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada Hamza bin Hussein, ayada oo ay jirto wax ay saraakiisha ugu yeereen halis ka dhan ah “amniga iyo xasilloonida dalka.”

Amiir Hamza bin Hussein, oo ah wiilka ugu weyn ee boqor Husssein iyo xaaskiisa Mareykanka ah Queen Noor, ayaa loo sheegay inaanu guriga ka bixi karin illaa laga baarayo shirqool la tuhunsan yahay in lagu afgambin lahaa boqor Abddullah oo ay isku aabe yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay waxay ku tiri “ayada oo la eegayo xiriirka qotada dheer ee dhow iyo danaha ay wadaagaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Haashmiyadda ee Jordan, Soomaaliya waxay shaaca ka qaadeysaa inay si xooggan oo adag u taageereyso dhammaan ficillada iyo go’aanada uu qaatay Boqor Abdullah bin Al-Hussein, si uu ilaaliyo amniga iyo xasilloonida boqortooyada.”

Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay horumar iyo barwaaqop u rajeyneyso Jordan iyo inay ku guuleysato hadafyada shacabka, ayada oo uu hoggaaminayaan boqorl Abdullah, iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha Hussein bin Abdullah. 

Boqor Abdullah ayaa sidoo kale taageero ka helay inta badan dalalka kale ee Carabta iyo Mareykanka.