Waresyi: Madaxweyne Xasan SHEEKH oo faah-faahiyey ‘shirqool lagu dili rabay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo weysigaan oo dhinacyo badan taabanaya siiyey KNN ayaa si qota dheer uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo dhaliisha ugu badan dusha ka saaray madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay bahdishay ciidanka Qaranka oo kalsoonidii shacabka ay ka sii lumineyso, wiilasha hoggaamiyana aysan kala garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa aan sharciga aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii ay la kulmeen Farmaajo, iyagoo ka dalbaday in aan la siyaasadeyn ciidanka Qaranka, balse taas uusan dheg jalaq u siin, sida uu sheegay.

“Nasiib darro madaxweyne Farmaajo ciidankii siyaasadda ayuu geliyey, wiilasha yaryar ma dhihi karaan waxaan sharci maaha, laakiin waan la hadalnay anagu, marka dowladdan ciidamada waa bahdishay, waana duleysay, kalsoonida shacabka ayeyna kasii lumineysaa, wax kastana meesha ay ka qaldamaan waa kalsoonida,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dadka loo adeegsaday ciidamada Qaranka ee loo diray inay soo dilaan uu isagu ka mid ahaa.

“Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Anagoo banaanbax nabadeed ku baaqnay oo meeshii banaanbaxa agteeda u sii hoyanay, meeshii banaanbaxu ka dhici lahaa hala baaro dhahnay, yaan dadka miino iyo wax loogu aasine, ayey ciidamada dowladdu nasoo weerareen, laakiin tabarta ayaa u deyrisay ee u jeedadu inay na dilaan ayey aheed, kadibna iska hor imaad ayey ku dhinteen la yiraahdo, intaas oo jeer ayaa guryaheena ciidan lasoo hor dhigay oo wiilasheena aan guryaha ku celinay, marka madaxweynahaan waa nin raba inuu colaad ka shaqeeyo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ay madaxda dowladdu daandaansi ku hayeen, isaga iyo madax kale, balse aysan bixin jawaabtii laga doonayey oo uu qabo inay tahay gacan ka hadal.

“Dowladda uu masuulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey? Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Maanta wadada kaliya ee furan waa in la wada-tashado, madaxweynuhu afartii sano ee lasoo dhaafay isagaa wax qaban waayey, maanta waxaa laga rabaa qof kasta inuu yiraahdo sidey kula tahay, taasna waa lagu kari la’yahay, Soomaaliya xaaladeedu meel xun ma tagi doonto ayaan qabaa, ee shakhsiyaadka dhibka badan iyagaa iska bixi doona, laakiin halka ay hadda joogto markii la fiirsho, hadii aan siyaasadda laga heshiin, wax kasta waa sii qaribmaayaan.”

Mar wax laga weydiiyey sababta loo aas-aasay Madasha uu ka tirsan yahay ee Badbado Qaran ayuu yiri, “Maadaama ay dhamaatay sharciyadii hey’adaha dastuuriga ah ee dalka, waxaan Madasha Badbado Qaran u sameynay in dalkan loo jiheeyo doorasho xalaal ah oo aan la is boobin, hadii doorashadu xumaato dhib badan ayey leedahay, umana socoto madashaan inta qoryo qaadato inay dalkaan ku badbaadiso.

Halkan hoose ka Daawo