Xog: DF oo mushaharka ka jartay ciidan dhowaan ku biiray ilaalada CC Shakuuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday in ay cadaadis saarto askarta ka diiwaan gashan islamarkaana ku maqan shaqada leexsan, gaar ahaan kuwa ilaaliya siyaasiinta mucaaradka ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadajir ee hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo taliska Milatariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in loo sheegay in mushaarka laga joojiyay ciidan ku dhow 70 askari.

Ciidanka lacagta laga joojiyay ayaa intooda ugu badan ilaalo u ah Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo badankood ay dhowaan ku biireen ilaaladiisa iyo Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indhacade, oo isna ku dhow mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey u lahaa ilaalo gaar ah, oo aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda Soomaaliya, oo gaaraya illaa iyo dhowr iyo toban, hase yeeshee kadib weerarkii dhacay 19-ii Febraayo ee lagu qaaday mucaaradka qaarkood, ayaa waxaa ku biiray ilaalo ku beel ah, oo qaarkood ka yimid dhanka Indha-Cadde oo ay sidoo kale isku jufo yihiin.

Ciidankan ayaa la sheegay inay xoojinayeen ilaalada Cabdiraxmaan, ayaga oo ka cabsi qaba weerar ay mar kale ku qaado dowladda, kadib weerarii dhacay saddex sano kahor ee ilaalada looga dilay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arintaan, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar kale oo mucaaradka ah askarta la socota laga joojiyay mushaarkii ay qaadan jireen. 

Mucaaradka ayaa wixii ka dambeeyey weerarkii 19-kii lagu qaaday hotel Maa’ida oo ay ku sugnaayeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxay aad u kordhiyeen ilaaladooda, ayaga oo ka cabsi qaba weerar mar kale uga yimaadaan dowladda.