Cumar Cabdirashiid oo soo saaray digniin ku saabsan shirka teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore soo hadal qaaday wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni, kuwaas oo diirada lagu saarayo is mari-waaga doorashada.

Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ka digay fashil ku yimaada wada-hadallada socda oo ah kuwa ugu dambeeya ee lagu dhameystirayo heshiiska 17-kii September.

“Haddii si dhab ah ay u wada hadlaan saamileyda siyaasadda waxaa lagu gaari karaa doorasho lagu kalsoonaan karo, waxyaabaha waaweyn ee ay wadaagayaan daneeyeyaasha waa in ay si faah-faahsan uga wada hadlaan nidaamka gorgortanka ajandaha oo haddii dhexdhexaadintu guuldareysato ama farsamada dhinac kale loo weeciyo la guuldareysan doono,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyado ay hakad galeen kulamadii u socday madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, ka gadaal markii la’isku fahmi waayey qodobada qaar ee ku jiro wada-hadallada looga arrinsanayo doorashooyinka.