DF Somalia oo ugu baaqday Kenya in ay ka fiirsato tallaabada ay qadaeyso.

Nairobi (Caasimada Online) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay dib u fiiriso amar ay maanta soo saartay oo ah in dhammaan qoxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka ay is-ka xaadiriyaan xeryaha dhadhaab.

Danjiraha oo la hadlaayay VOA-da ayaa sheegay in arrintaas ay maanta maqleen isla galabtana dowladda Kenya iyo QM ay kala hadleen.

“Arrintaas maanta ayaan maqlnay ee annaga waxan kala hadalnay dowladda Kenya galabta ayaan kala hadlay, waxa kaloo aan kala hadlay Qaramada Midoobay qaybta u qaabilsan qoxootiga, in dadka qoxootiga marka ay immaanayaan magaalooyinka la siiyo warqado ay ku joogi karaan”

“Marka dad Soomaalida qaar badan oo ku nool magaalooyinka waxa ay heestaan sharciyo ay ku tagi karaan meelaha ay rabaan, marka hadda waxan maqalnay in qaraxyadii ka dhacay xaafadda Islii owgood in dowladda Kenya ay ku amartay in dadka Soomaalida ee qoxootiga ee ku sugan magaalooyinka aadaan xeryaha gobalka waqooyi-bari Kenya”ayuu yiri danjir Ameriko.

Wuxuu intaas ku daray in QM ay u sheegeen in dib aan loo celin Soomaalida sharciga leh, laakin kuwa dambiyada galay ama aan heesan sharciyo dib loogu celiyo xerada dhadhaab oo xaalad bini’aadimo oo aad u liidata ay ka jirto.

“Saraakiisha QM waxa ay noo sheegeen in xeryaha dhadhaab ay buux dhaafeen oo dad ka badan 500,000 oo qof ay ku jiraan, isla markaana heesan daryeel ku fiican markii ay ka tageen hey’adihii meesha joogay” ayuu yiri mar kale danjiraha.

Si kastaba dowladda Kenya ayaa ka codsatay QM iyo hey’addaha kale ee gargaarka in aan wax kaalmo  ah la siin qoxootiga Soomaalida ee jooga bannaanada ee u baahan gargaarka.

Kenya ayaa tallaabadan uga gun leh siddii loo adkeen lahaa ammaanka dalkeeda, gaar ahaan meelaha Soomaalida ay ku nool yihiin oo ay ka dhaceen dilala iyo qaraxyo dad badan ay ku dhinteen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi