Messi, Xavi iyo Puyol oo Barcelona heshiisyo u saxiixay.

Barcelona ayaa website-keeda rasmiga ah ku xaqjiisay inay qandaraasyada u kordhiyeen Xavi iyo Carles Puyol, waxayna sheegtay inay la gaareen qandaraas ilaa 2016 ah, halka Lionel Messi uu kooxda sii joogi doono ilaa 2018, waxaana ay qandaraasyadaan saxiixi doonaan Isbuuca soo aadan.

Puyol ayuu qandaraaskiisu dhacaayey xilli ciyaareedka soo aadan, laakiin 34-jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa baaqi kusii ahaan doona Barca sedax sano oo dheeraad ah.

Daafaca dhexe ayaa waayadaan dhaawacyo hareeyen laakiin si buuxda ayuu uga soo kabsaday dhaawacyadaas xusulka ahaa.

32-jirka qadka dhexa, Xavi ayaa Barcelona kula jiray qadaraas ilaa 2014 ah, wuxuuna hada kooxda kusii sugnaan doonaa in ka badan laba sano ka dib markii Isbuucii hore daaha laga qaaday inay wadahadaladiisu gaba gabo marayaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa fure u ahaa kooxda Catalans xilli ciyaareedkaan wuxuuna u dhaliyey sedax gool 16 kulan oo uu saftay.

Messi ayaa wuxuu qandaraas ilaa 2016 ah kula jiray kooxda Comp Nou, laakiin Barcelona ayaa 25-jirkaan ka dalbatay inuu qandaraaska u dheereeyo ka dib markii uu dhaliyey goolashiisii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa 90 gool u dhaliyey kooxdiisa 2012, wuxuuna 25 gool ku hugaaminayaa gool dhalinta Horyaalka La Liga isagoo saftay 16 kulan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.