DF Soomaaliya iyo SUDAN oo kor u qaaday iskaashiga saddex dhinac oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi oo hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan (SOMSUDAN).

Mudane Xamza ayaa intii uu kulanka socday xusay in xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo sheegay in maal-gashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran.

“Soomaaliya waxaa yaalla fursado maalgashi oo badan. Ganacsatada Suudaan waxaa weli si gaar ah u caawineysa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan.”

Marwo Axlaam Madani Mahdi ayaa dhankeeda waxay ra’iisul wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN, ayada oo xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaasi oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecadaha iyo maalgashiga, taasi oo ay barbar socoto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Suudaan ayaa waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaan kun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka galaya dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan daahfuray Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan oo muddo labo maalin ah ka socotay magaalada Muqdisho.

Madashaasi ayaa waxa kasoo qeyb-galay wafdi ka socday dowladda Suudaan oo ay hogaaminayso Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga, Ahlam Madani Mahdi, iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shirkado ganacsi oo ka kala socday labada dal.