Soomaaliya oo Brussels ku soo bandhigtay ‘fikir beddel cusub’ oo ku saabsan…

Brussels (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabadda Madasha Bani’aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkan oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Komishanka Yurub (DG-ECHO) iyo dowladda Sweden oo hadda haysa hogaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa waxaa looga hadlayaa baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madasha ku soo bandhigay “fikir bedel cusub” oo ku saleysan in caalamka uu dib u eegis ku sameeyo aragtida ay deeqaha iyo taakulada ku siiyaan Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur aya waxa uu madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka deg-dega ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna xilligaan baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo “sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd”, taasi oo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda.

Madashaan bini’aadnnimo ee maanta ka furmatay Brussels ayaa waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha QM, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka gar-gaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya.

Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini’aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag.

“339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar deg deg ah.”

Si kastaba, Xaaladda abaareed ee taagan ayaa waxaa uga sii daray kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada, waxayna madashaan diiradda saari doonta in la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.