JUBALAND oo war kasoo saartay qorshaha xasaasiga ah ee ka socda gobolka Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ku gacan seyray qorshe ay wadaan siyaasiyiin dhowr ah oo ku sugan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Gedo.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in qorshaha maleeshiyo beeleed looga abaabulo deegaanadaasi, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab ay noqon karto mid dhibaato weyn ku keeni karta maamulka.

Doodda u weyn ee wasiirka u cuskaday in maleeshiyo beeleed loo baahneyn xilligaan ayaa ah “in ciidamada Jubbaland ay garab ka helaya kuwa Kenya ee KDF ayna heystaan awood ku filan oo ay ku wajahaan xooggaga Al-Shabaab.”

Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sidoo kale xusay in xataa haddii ay dhacdo in dad loo qorayo kamid noqoshada dagaalka socda ay sameyn doonaan laamaha amniga oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Cid kasta oo loo qorayo kamid noqoshada dagaalka kooxda Al-Shabaab waxaa sameyn doona laamaha amniga oo aan anigu hoggaamiyo anigoo ah wasiirka amniga,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

“Waxaa diyaarin doonaa tababarkoofa iyo saanadooda, qof kaliya uma abaabuli karo maleeshiyaad ku fikir ah la-dagaalanka Al-Shabaab, mana ahan tallaabo u wanaagsan Jubbaland iyo dalka Soomaaliya-ba.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhaq-dhaqaaq kale oo aan ku imaan wada-shaqeyn iyo iskaashi maamulka ah “ay wiiqi karto dadaalada la doonayo in lagu cirib-tiro kooxda Al-Shabaab.”

“Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuu socda hadda, waxaa naga caawin doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, askarta dalalka deriska ah ayaa kasoo tallaabi doona xuduudka si ay gacan uga geystaan howl-gallada socda.”

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay socdaan qorshe ay wadaan siyaasiyiinta maamulkaasi, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Gedo oo ah abaabulka Macaawisleyda Jubbooyinka, si ay qeyb uga noqdaan howl-gallada Shabaab looga xoreynayo dalka.

Gobolka Gedo ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waxaa gaarayay siyaasiyiin horleh, xilli uu gobolkaasi ka socda diyaar-garow loogu jiro inay ka billowdaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.