DF Soomaaliya oo digniin u dirtay mucaaradka baraha bulshada ku weerara

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa ku goodisay inay talaabo lixaad leh ka qaadi doonto shaqsiyaadka baraha bulshada ku baahiya wararka been abuurka ah.

Xukuumadu waxa ay sheegtay in shaqsiyaadkaasi ay habdhaqan ka dhigteen kicinta bulshada, iyadoo la adeegsanaayo baraha ay wadaagan bulshada.

Waxa ay tilmaantay in aan loo dulqaadan karin in la kiciyo oo xaalad jahwareer la geliyo shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Iidaan Yoonis oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya, ayaa cadeeyay inay kawarqabaan ficilada ay sameeyan shaqsiyaadkaasi, balse ay ka jawaab celin doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaa sii kordhaaya shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafiya warar been abuur ah oo lagu kicinaayo dadka shacabka ah, waxaan ku wargalineynaa inaan ku howlanahay ka jawaabida wararka beenta ah oo ay usoo bandhigaan shacabka”

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya, waxa uu sidoo kale sheegay in maalmihii dambe magaalada Muqdisho ay ku soo badanaayeen dad baraha bulshada ku faafinaya warar been abuur ah oo ay ka mid ahaayen in meelo uusan qarax yaalin la dhaho qarax baa mee hebel yaalo, sida uu wasiir ku xigeenka sheegay.

Haddalka Wasiir ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaaya xili wixii ka danbeeyay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee loo adeegsaday gaariga xamuulka ahaa ay dadka shacabka ah bilaabeen in baraha bulshada ay kusoo bandhigaan gaadiidka yaala waddooyinka ee laga shakisan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com