DF Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorasho muran badan uu hareeyey + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa markale ka hadlay muranka ka taagan doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, isaga oo shaaciyay go’aanka dowladda federaalka ee ku aadan doorashaasi.

Wasiir Barre ayaa sheegay in aysan Wasaaraddu aqbali doonin doorasho hal dhinac ah,wuxuuna u digay shaqisiyaad uu sheegay inay ku howlan yihiin arrintaasi.

“Annaga ka Wasaarad ahaan go’aanka doorashooyinkaas inaan la aqbali karin doorashooyin is-barbar yaac ah ama qolo gaar ah ay isku caana shubaan,” ayuu yiri Wasiirku.

Barri ayaa sidoo kale sheegay in xiriirada ka jira dalka ay madax banaan yihiin, balse siyaasad ahaan ay hoostaaan Wasaaradda oo ayadii mas’uul ka dhan ciyaaraha dalka.

“Xiriirada kala duwan ee ka jira dalka waa ka madax bannaan yihiin shaqo ahaan wasaaradda farsamo ahaan iyo maamul ahaan, laakin siyaasad ahaan wasaaraddaa waxay dalkoo dhan mas’uul uga tahay siyaasadda qaran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka Wasaaradda Ciyaaraha uu yahay in la qabto doorasho hufan oo cadaalad ah, maadaama ay tahay wax la wada leeyahay.

“Ka Wasaarad ahaan roolka nooga aadan waxaa waayey inaanan aqbalin wax Ummadda Soomaaliyeed ka wada dhexeeya in qolo ay si gaar ag ugu takri fasho,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo,ayada oo uu si weyn usoo ifbaxay khilaaf xoogan u dhaxeeya guddiga doorashada guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta guddoomiyaha, kaas oo haatan gaaray meeshii ugu sarreysay.

Khilaafka ayaa lagu soo warramayaa in uu salka ku hayo habsami u socodka doorashada hoggaanka xiriirk, ayada oo baaqyo isxigxiga ay soo kala saareen Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.