Sawirro: Dowladda Talyaaniga oo wafdi culus maanta usoo dirtay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego. 

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay argagixisadu dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada. 

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Talyaaniga oo ku saabsan kulanka maanta ka dhacay Villa Somalia.

Talyaaniga ayaa sanadihii dhowaa ka mid ahaa dalalka Yurub ee saameynta xooggan ku yeelanaya Soomaaliya, ayada oo Roma ay ciidan militari oo kooban ka joogaan dalka, kuwaas oo ku howlgala magaca Midowga Yurub.