DF Soomaaliya oo is duminaysa (Ogow halka ay ka socoto duufaanta ku habsatay madaxda maamul Goboleedyada)

Maalmahan waxa la dareemi karaa inay socdaan wax lagu tilmaami karo Duufaan ka dhan ah Madaxda Maamul goboleedyada Dalka oo la doonayo in Xilalka looga qaado iyadoo loo marayo Xildhibaanada Maamladaasi waxaana u dambeeyey Madaxweyniha Hirshabelle oo Xildhibaanada Baarlamaanka Maaulkaasi ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Cali Cabdullahi Cosoble isagana uu sharci darro ku Tilmaamay Xil ka qaadistaasi.

Sidoo kale Falaartu waxa ay ku foorartaa Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada K/Galbeed Shariif Xasan oo lagu bilaabay in la kilkileeyo xildhibaanaduna ay bilaabeen in ay wadaan Xil ka qaadis lagu sameeyo Shariifka  iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo hawshiisu aysan weli banaanka u soo bixin inkastoo la hubo inuu jiro isku dubarid lagu wado Xildhibaanu inay bilaabaan kacdoonka xilka qaadista Axmed Madoobe, waxaana kal hore laga soo taqalusay Madaxweynihii Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed inkastoo Cabdiweli Gaas uu ka badbaaday isku daygii lagu doonayey ina lagu majaxaabiyo walow ay suuragal tahay in dib loogu soo laba kacleeyo xilli kale oo ku munaasib ah.

Kacdoonkan ka dhanka Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa la hubaa in ay gadaal ka riixayso Madaxtooyada iyadoo ka leh dhawr ujeedo midkood.

A- In Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu Cusub ay noqdaan Dad ay keensatay Madaxtooyada oo si adag ugu xiran Danaha Dawladana si aan leex leexad lahayn Sax iyo qaladba  u fulinaya, waxaana ugu muhiimsan in Madaxdaasi cusub ay Taageero u muujiyaan Dawladda Qadar kana soo hor jeestaan Dhinaca Xulafada uu hor kacayo Sacuudiga, arinkaasoo laga waayey Madaxweynayaasha haatan Xilalka ka haya Maamul Goboleedyada.

B-  in Mustaqbalka Madaxda dawladu ay ka fekarayaan in hadii Doorasho qof iyo Cod ah ay suurageli weyso in la qorsheeyo Doorasho Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo gelayaan Maamul Goboleedyada sida haatanba lagu soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kadibna ay Halkaasi ay ka soo geliyaan Xildhibaano taageersan Madaxda Dawladda haatan jirta kadibna ay dib u doortaan Madaxweynaha haatan xilka haya.

C- In Dawladu ay kacdoonkan isaga sii jeedinayso in Diirada saaran iska sii jeediso oo lagu mashquulo Xaaladaha ka taagan  Maamul Goboleedyada sida Maantaba loogu hadal haynta badan yahay ee ah Arimaha Hirshabelle, inkastoo ay suuragal tahay in wax kale oo u qarsoon dawlada ay jiri karto.

D-  in haddii uu guul daraysto Qorsha haatan socda kadib ay si toos u soo farageliso Dawladda kadibna ay isku muujiso inay wax qabatay kuna darsato Diiwaan wax qabad ee Maalinta Khamiista ah laga naadiyo shir Saxaafadeedka Golaha Wasiirada.

Maxaa ka dhalan kara Qorshahan?

Haddii aan si fiiro dheer looga Fekerin arimahan haatan socda oo aan xal laga gaarin waxa ay sababi kartaa in burbur ku yimaado Maamul goboleedyo Qaarkood ee haatan jira ay soo bixi doonto Hal Maamul Goboleed oo leh labo Madaxweyne oo midba Gaarkiis u sheeganayo in isagu uu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Maamulkaasi ayna Xafiisyo ka furan doonaan labo gobol sida haatanba ka jirta Galmudug oo labo maamul ay kala fadhiyaan Cadaado iyo Dhuusamareeb , sidoo kale waxaa soo baxaya Colaad Qabiil oo lagu kala taageerayo kala qaybsanaanta Maamulkaasi iyo aanay Dadku isku gudbin labo Gobol oo markii hore hal Maamul Goboleed ahaa, inataa markii ay marayso Dawladu waxa ay ku qasban tahay inay Taageerto Madaxweynihii ay iyadu wadatay ee ay u burburisay Maamulkaasi dabadeedna kii ay Taageerada kala laabatay Beeshiisu waxa ay iyaguna Taageerada kala noqonayaan dawladda Federaalka.

Intaa aan soo sheegayna aysan Dawladdu waxba ka qaban karin haddii ay dhacdo ama xitaa in ka mid ah ay dhacdo sidaana loo kal fogaado, waxaanan ognahay Dhamaanteen in Dawladdu ay xal u weysay dhinacyada Cadaado iyo Dhuusamareeb, ka waran Haddii labo Madaxweyne oo Hirshabelle kala sheegayanaya ay  kala fariistaan Beledweyne iyo Jowhar.

Arinta ugu saameynta Badan ee ka soo bixi karta Qorshahan ayaan ku timaami karaa In RW Xasan Cali Kheyre xilka laga qaado sababtoo ah in Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh aaadan uu dhinaca kale u rogo Siyaasadii isaga ku soo jeeday, isagoo dhex geli doona Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kadibna Mooshin la keeno xilka looga qaadayo Xasan Cali Kheyre horaa waxaa loo yiri Qaniinyo qaniinyo ayaa kaa fujisa, waxaana suuragal ah in arinkaasi uu kala Shariif Xasan kala kaashado Axmed  Madoobe.

Booraan Haddimo ha qodin, Hadaad qodana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogide.

Ugu dambayn waxaan kula dardaarmi lahaa  Madaxda Dawladda Federaalka inayfaraha ha kala baxaan arimaha Maamul Goboleedyada,  inta ay goori goor tahay oo aysan kala dhicin Xeero iyo fandhaal.

Waxaa Qoray: Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud)
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid