DF Soomaaliya oo jawaab ka bixisay xatooyadii uu ku eedeeyey Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ahaa in qalabkii caafimaadka ee loogu deeqay Soomaaliya si looga hortago Coronavirus suuqyada lagu iibiyo.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay qalabkaas ay u isticmaalaan sidii loogu tala galay ka wasaarad ahaan.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xaaladaha caafimaad ee haatan dalka ka jira aysan aheyn kuwo ku haboon in la siyaasadeeyo, isla markaana agabkii ay dowladuhu ku caawiyeen loo qeybiyay gobollada dalka.

“Dowladda federaalka arrinta COVID-19 sharciga uga yaalla waa wax aan la siyaasadeyn oo aysan aheyn arrin la siyaasadeyn karo, waana dhib aduunyada ku wada hadsaday, waan sii dadaaleynaa waana la tacaaleynaa qof kasta oo uu soo rito,” ayuu yiri Maxamed Saciid.

Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Illaa hadda qalabka caafimaad ee nasoo gaaray waa mid aad u yar, waxaana gaarsiinay gobollada meelihii ugu darnaa, arrimaha siyaasadana siima dhex geli karo iyo waxaana la sheegayo, laakiin anaga waajibkenu waa inaan dalka wada gaarsiino adeeg caafimaad inta tabarteen ah.”

“Ka wasaarad ahaan weli ma aanaan arkin qalab caafimaad oo lagu iibinayo suuqyada, mana garan karno meel laga keenay warkaas” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu si daran ugu faafay dalka, isla markaana ka wasaarad ahaan aysan u tag heyn, balse ay dadaalayaan.