DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka dhan ah Samira Gaid iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabo culus oo ka dhan ah Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca  ay Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shaqadii looga joojiyay Samira, kaas oo ku qornaa Luqadda Engilishka.

Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.

Samira Gaid ayaa qoraaladeedii ugu dambeysay si wayn uga hortimid wax-ka-beddelka Dastuurka dalka oo ay todobaadkii hore meel-mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka.

Shaqo joojinta haatan lagu sameeyay Samira ayaa waxaa ka horreeyay weerar toos ah oo dhanka afka ah oo uu isna maalin kahor ku qaaday Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kaas oo u muuqday mid hanjabaad loogu diray Samira Gaid.

Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keeneyso walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurtagalnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyadoo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay mid siyaasadeed.

Si kastaba Kooxdii hore ee NN ee Farmaajo ayaa caan ku ahaa tallaabooyinkan noocaan ah, iyadoo sidan oo kale dad shaqooyin iyo qandaraasyo ka heystay hey’ado sidaan oo kale ay shaqada uga joojiyeen.