DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo soo dadajineysa qaadista xayiraadda hubka

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa maanta soo xiray shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasi oo looga arrinsanayay qaadista xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa la iskula meel dhigay habraacyada loo marayo qaadista cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya sanadaha badan.

La-taliyaha oo xiritaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen dardar-galinta qorshayaal muddeysan iyo habraacyo loo marayo geeddi socodka qaadista cuna-qabateynta hubka ee waqtiga dheer saaran dalkeenna.

‘’Waxaan ku guuleysannay gaaridda in badan oo kamid ah halbeegyadii loo baahnaa, kuwa dhimana sanadkan gudihiisa ayaan dhammeystiri doonaa,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ma ahan riyo iska fudud in la qaado cuna-qabataynta hubka ee waa arrin lagama maarmaan ah si aan ula wareegno mas’uuliyadda amniga Qarankeenna.”

Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday beesha caalamka, xubno ka socda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysay shirkaan.

Waa shirkii afaraad ee noocaan oo lagu qabto Muqdisho, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay garwadeen ka tahay, iyada oo sanad kasta shirkaan looga doodo sidii cuna-qabataynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cuna-qabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka.