Madaafiic caawa lagu garaacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaqa Madaafiic ayaa caawa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaa oo baqdin xooggan ay ka muujiyeen dadka ku nool caasimadda Muqdisho.

Madaafiicda jugtooda la maqlay oo tira ahaan toban ku dhow ayaa waxay ku dhaceen degmooyin kala duwan oo ka tirsan caasimadda, kuwaasi oo aan la ogayn halka ay sida rasmiga ah ugu dhaceen.

Sidoo kale weli lama ogaan hadii uu jiro khasaare ay geysteen madaafiicdaas.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka geysata weerarrada noocaan ah, iyagoo kaga dan leh arbushaad amni, maadaama aysan wax bartilmaameed ah laheyn madaafiicda ay ku garaacaan caasimadda.

Shacabka magaalada Muqdisho ku nool ayuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaraa weerarrada madaafiicda ah ee kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysato, balse waxay ku faanaan inay bartilmaameedsadeen masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Weerarkaan madaafiicda loo adeegsaday ee caawa Muqdisho ka dhacay ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Inta badan Al-Shabaab waxay kordhiyaan weerarradooda markii la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado oo umadaha Islaamka ah ay aad u jecelyihiin.

Dowladda Soomaaliya, weli kuma guuleysan inay xakameyso weerarrada madaafiicda loo adeegsado ee Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho, waxaana la aaminsan yahay in gudaha ama daafaha dhow ee caasimadda laga soo rido hoobiyaha lagu garaaco shacabka reer Muqdisho.