DF Soomaaliya oo 21 qodob kasoo saartay xaaladda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 21 qodob, qodobadaas ayaa lagu soo koobay waxyaabihii u qabsoomay dowladda todobaadkaan gabagabada ah, bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayey Arbaco kasta soo saartaa dowladdu.

Hoos ka akhriso qodobada bayaanka todobaadlaha ah ee dowladda:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kheyraadka uu dalka leeyahay sida shidaalka iyo kalluunka looga faa’ideysan doono horumarka iyo dib u dhiska dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan hiigsiga 2060 ee sameynta Soomaaliya horumarsan oo casri ah, xilligaas oo ku began 100-Guurada markii ay Soomaaliya xorrowday.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaaney Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dhaqanka cusub ee ay bilowday ee ku aaddan isla xisaabtanka kadib markii Muqdisho daaha looga rogay bandhigga waxqabadka dowladda iyo isla xisaabtanka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed loo diyaariyo barashada xirfadaha kala duwan ee caalamka ka jira si ay dunida ula tartamaan.

5- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadeyso waxqabad iyo isla xisaabtan isla socda si loo xoojiyo dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Uganda Yowero Museveni ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  oo Uganda tababar ku qaadanayey.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu magaalada Kampala kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni kaga wadahadley barnaamijka fulinta wejiga labaad ee dagaalka agu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabab.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay siddeed sharci oo cusub oo kala ah a) Sharciga La Dagaalanka Argagixisada. b) Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. c) Sharciga Socdaalka. d) Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha. e) Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo. Kheyraadka Dhulka Hoostiis. f) Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha. g) Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. h) Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ku baaqey in la joojiyo dhiigga ku qubanaya Laascaanood.

10- Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo la xiriira dhanka horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.

11- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Bankiga Dhexe iyo Xarunta Warbixinada Maaliyadda oo kala shiray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefonnada gacanta fulinta go’aanadii Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Kenya kulamo kula qaatey madaxda milateriga dalkaasi, kana wadahadley iskaashiga labada dal ee dhanka amniga.

13- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeybgaleen madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo. Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka iyo dhameystirka heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka.

14- Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in degaanno kor u dhaafaya 70 laga xoreeyay argagixisada Khawaarijta Al Shabab tan iyo markii ay bilowdeen hawlada ka dhanka ah argagixisada.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo in ka badan 30 ka mid ah Khawaarijta Al Shabab ku dilay Shabeellahe Dhexe.

16- Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis iskaashi maalgashi ah.

17- Wasiiradda Warfaafinta DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo shir ku saabsan iskaashiga warbaahinta dalka ugu soo gabagaboobey magaalada Kismaayo.

18- Wasaaradda Dhallinyarada ee Soomaaliya ayaa diyaarineysa qorshe lagu soo bandhigayo siyaasadda ka hortagga maandooriyaha.

19- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo xeer nidaamiye ka soo saartey lacagaha laga qaadayo adeegyada maxkamadaha.

20- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleystay abaal marin caalami ah oo lagu siiyey hufnaanta shaqo iyo adeegga.

21- Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 11 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya.

=========== DHAMMAAD==========