Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah u joojisay taageeradii dhanka amniga ee ay siin jirtay Soomaaliya, tallaabadan oo ka dhalatay go’aankii Xukuumadda Muqdisho ay uga baxday heshiisyadii iskaashi ee labada dal u dhexeeyay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in kaalmada Imaaraadka ay u badneyd mid lagu xoojiyo hay’adaha milateriga iyo amniga qaranka.
“Inta badan taageerada Imaaraadku bixin jiray waxay ku qotontay dhanka amniga. Maadaama heshiisyadii la buriyay, ma jirto sabab sharci ah oo ay taageeradaasi kusii socon karto,” ayuu yiri Wasiirku.
Arrinkan ayaa kusoo aadaya iyadoo bishii Janaayo ee sanadkan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday inay burisay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan kuwii dhanka iskaashiga amniga.
Dowladda ayaa xilligaas ku eedeysay Abu Dhabi inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha, isla markaana ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana jiray tuhun ah in ay fududeysay aqoonsigii ay Israel siisay maamulka Somaliland,
Xiriirka diblomaasiyadeed
Inkastoo la hakiyay taageeradii amniga, Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uusan go’in. Wuxuu tilmaamay in Safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi iyo Howlgalka Imaaraadka ee Muqdisho ay si caadi ah u shaqeynayaan, taasoo muujinaysa in xiriirka guud uu weli taagan yahay.
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa beneiyey wararka sheegaya in go’aanka Muqdisho uu xiriir la leeyahay eedeymaha caalamiga ah ee loo jeediyo Imaaraadka ee ku aaddan taageerada kooxaha hubeysan ee colaadaha Suudaan iyo Yemen.
Wuxuu ku adkeystay in tallaabadani ay salka ku hayso oo kaliya arrimaha laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii ugu dambeeyey caqabad weyn ku noqday midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, isaga oo taageeraya maamullo diidan dowladda federaalka, iyo shisheeye dalka kala qeybinaya.

