DF Soomaaliya oo shaacisay inay howlgal culus ku dishay 30 ka tirsanaa Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo saaka ciidamada milatariga ay ka fuliyeen duleedka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha dalka.

Qoraal ka soo baxay taliska Ciidamada Xoogga dalka oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan oo ka dhacay Ceelbacad lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyey.

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in howl-galka ay qaadeen ciidamada lagu dilay ugu yaraan 30 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale taliska ayaa tilmaamay in howl-galkaasi oo ahaa mid ballaaran ay ka qeyb-qaateen shacabka deegaanka, taas oo keentay ‘jabka xoogan’ ee la gaarsiiyey Shabaab.

Ciidanka XDS iyo shacabka ku dhaqan Degmada Buulabarde oo iskaashanaya ayaa waxay weerar ku qaaden kooxda Nabad diidka Alshabab oo ku sugnaa degaanka Ceelbacad oo dhanka bari kaga beegan degmada Buulabarde, Ciidanka ayaa halkaas ku dilay 30 dagaalyahan,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa agagaarka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab ee ku aadan howl-galkaas ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.