Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare ee maanta ka dhaceysa Kismayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeyey ee ku aadan doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo saacadaha soo socda ka dhaceyso magaaladaasi.

Xildhibaanada Jubbaland, xubnaha guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo heer federaal ayaa ku sii qul-qulaya goobta ay ka dhaceyso doorashada Senetarada cusub.

Illaa sagaal xubnood ayaa ku tartamaya doorashadan, kuwaas oo u sharraxan afar kursi oo ka mid seddeeda Senator ee Aqalka Sare ka soo galaya dhinaca maamulka Jubbaland.

Musharraxiinta sagaalka ah oo ay mid ka mid ah tahay Haweeney ayaa sidoo kale khudbadahooda maanta u jeedin doono golaha wakiilada Jubbaland, kadibna waxaa bilaabaneysa codeyta doorashada, si loo soo xulo Senatorada cusub ee Jubbaland.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana magaalada iyo koonaheeda ku sugan ciidamada ammaanka oo wada howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo.

Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamullada kale ee ka jira dalka ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay dadajiyaan qabashada doorashada, maadaama uu jiro dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada ee Aqalka Sare

Si kastaba, doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana ugu dambeyn heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.