DF Soomaaliya oo shaacisay dakhliga gudaha ee usoo xarooday sanadkan 2019

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay dakhliga gudaha ee sanadkaan sii dhamaanaya 2019-ka u soo xarooday dowladda.

Warbixinta wasaaradda maaliyadda ayaa lagu sheegay in canshuurta bariga laga qabtay lacag dhan, $108,937,631,00 ((Boqol iyo siddeed Milyan, sagaal boqol soddon iyo todoba kun, lix boqol soddon iyo koow).

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in dekedda weyn ee Muqdisho ay ka soo xarootay, lacag dhan $111,622,249.

Guud ahaan dakhliga gudaha ee sanadkaan 2019-ka marka la’isku daro ayaa waxa ay wasaaraddu ku sheegtay, $220,559,880 (laba boqol iyo labaatan milyan, shan boqol konton iyo sagaal kun iyo siddeed boqol siddeetan), sida ku cad jadwalkaan hoose.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe horumaro ballaaran ka sameyneysay dhinaca dhaqaalaha, waxaana ku talagalka dakhliga gudaha ee dowladda ee sanadkaan uu ahaa $189,850,000 Milyan, halka uu hadda ka noqday $220,559,880 Milyan.

Sidoo kale farqiga u dhaxeeya ku talagalka dakhliga gudaha oo ahaa $190 Milyan iyo dakhliga soo xarooday oo ah $220 Milyan ayaa waxaa u dhaxeeya $30 Milyan oo doollar.

Arrintaan ayaa waxa qeyb ka qaadaneysa qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo hadda maraya meel wanaagsan, taas oo ah guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed.