Wargeys TURKISH ah oo sheegay in Imaaradka ay ‘fuliyeen’ qaraxii Ex-Control

Ankara (Caasimada Online) – Wargaysys kasoo baxa dalka Turkiga ayaa daabacay in qaraxii 28-ka bishan ka dhacay Ex-kontorool Afgooye ay ka dambeyso dawladda Imaaraatka Carabta, oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hawlaha ay dawladda Turkigu ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale.

Wargeyska Yeni Safak, oo aad ugu dhow dowladda Turkiga, ayaa warbixin uu daabacy ku sheegay in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu lahaa amarka qaraxii Sabtigii Muqdisho ka dhacay, oo ay ku dhinteen 81 qof ilaa iyo hadda,

Wargeyska ayaa intaas ku daray in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa shaqaale Turkish ah, oo waddo laami ah ka dhisaya halkaas.

Wargeysku waxaa uu intaas ku daray in qaraxaas lagu soo beegay isla maalintii dawladda Turkiga ay isku diyaarinaysay taageero ciidan oo la siiyo dawladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Dowladda Turkiga ayaa taageerta dowladda Tripoli, halka Imaraadka ay taageeraan mucaaradka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar.

Wargeyska waxaa uu sheegayaa in caddeymo laga helay baabuurkii qarxay ay si toos ah qaraxa ula xiriirinayaan Imaaraadka carabta.

Yeni Safak ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in qorshaha qaraxa ay qeyb ka tahay in Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ay ku cadaadiyaan dowladda Soomaaliya inay xiriirka u jarto Turkiga oo ah dalka ugu saameynta badan dalalka shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Dhinaca kale, qoraal lagu baahiyey barta Twtter-ka ee hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu shaaciyey in qaraxii ka dhacay Ex-koontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraal NISA oo koobnaa ayaa lagu yiri, “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed  loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho.