Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay weerar si caro leh uu safiirka Itoobiya ee Muqdisho ugu qaaday ururka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal jawaab ah soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter), ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee ururka Jaamacadda Carabta uu yahay xoojinta xiriirka dalalka xubnaha ka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya, si loo ilaaliyo madax-bannaanidooda.
Jawaabtan oo u muuqata mid dabacsan ayaa sidoo kalena wasiirku ugu caqli celinayaa safiirka Itoobiya oo maalmihii dambe ka soo yeerayay hadallo muujinaya rabitaannada guracan ee Itoobiya.
“Soomaaliya waa xubin muhiim ah oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, waxayna uga mahadcelinaysaa taageerada joogtada ah ee ay siisay Soomaaliya iyo dadaallada dhismaha dowladnimo,” ayuu Fiqi ku yiri qoraalkiisa.
Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri: “Ujeeddada ugu weyn ee Jaamacadda ayaa ah in ay xoojiso xiriirka ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah, isla markaana ay isku duwo wada-shaqeynta ka dhexeysa, si ay u ilaaliyaan madaxbannaanidooda.”
Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo ayaa shalay weerar culus ku qaaday ururka Jaamacadda Carabta, isaga oo ku eedeeyay inuu noqday aalad u adeegta siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar, halkii uu ka wajihi lahaa dhibaatooyinka ka dhex jira xubnihiisa.
Dedefo oo baraha bulshada ku qoray qoraallo si toos ah u weeraray Jaamacadda Carabta, ayaa ku dhaliilay ururka inuu si joogto ah uga soo horjeedo Itoobiya sababo la xiriira isticmaalka Webiga Nile, isaga oo indhaha ka qarsanaya colaadaha, barakaca iyo macluusha ka jirta dalalka Carabta.
“Runtii Jaamacadda Carabta ma mid u taagan dalalka Carabta baa mise waa jaamacad fulisa siyaasadda Masar ee ka dhanka ah Itoobiya?” ayuu yiri, isagoo ku dooday in ururku “si xun isu kashifay oo aanu matalin dalalka kale ee Carabta.”
Hadalladan ayaa daba socday bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu cambaareeyay Itoobiya oo ku sii adkaysanaysa dhismaha biyo-xireenka weyn ee horumarka Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam), iyadoo aan la gaarin heshiis sharci ah oo lagu wadaagayo biyaha.
Qaahira waxay muddo dheer ku doodaysay in biyo-xireenku uu halis ku yahay sugnaanteeda biyaha, halka Addis Ababa ay ku adkaysanayso inay isticmaalayso xaqa ay u leedahay madax-bannaanideeda ee ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda.
Dedefo wuxuu meesha ka saaray welwelka Masar, isagoo ku tilmaamay “mid aan sal iyo raad toona lahayn,” wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dhismaha biyo-xireenno cusub mustaqbalka.
“Hoggaamiyayaasha Masar waa inay qirtaan in riyadooda aan dhammaan ee carqaladeynta Itoobiya aysan waligeed hirgeli doonin, isla markaana ay ku noqdaan wada-shaqeyn faa’iido u leh shacabka labada dal,” ayuu ku gooddiyay.

