Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya uu marayo marxaladdii ugu dambeysay.
Dhismaha hay’addan ayaa la horgeyn doona baarlamaanka si loo ansixiyo. Arrintan ayuu Madaxweynaha ku dhawaaqay intii uu socday Shirweynaha Cimilada Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hay’addan cusub loo dhisay si ay ula qabsato nidaamyada iyo habraacyada hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Hay’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada (WMO).
Sida uu sheegay, Soomaaliya waxay fursad u heli doontaa xog cimiladeed oo lagu kalsoonaan karo, taas oo muhiim u ah qorsheynta mustaqbalka, ka digista xaaladaha degdegga ah, iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha.
Hay’addan cusub ayaa lagu wadaa inay noqoto xudunta howlaha dowladda ee la xiriira saadaasha roobabka iyo duufaannada, la socodka isbeddelka cimilada, taageeridda beeraleyda iyo kalluumeysatada iyo sidoo kale ka qayb-galka barnaamijyada caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta deegaanka.
Hoggaamiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhismaha hay’addan uu qeyb ka yahay qorshaha dowladda ee dib loogu dhisayo hay’adaha muhiimka u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.
Soomaaliya oo sanad kasta wajahda abaaro iyo fatahaado culus ayaa si gaar ah ugu nugul isbeddelka cimilada. Sida uu madaxweynuhu sheegay, hay’addan cusub waxay gacan ka geysan doontaa yareynta saameynta masiibooyinkaas iyo dhisidda awood qaran oo wax ka qabata khataraha deegaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu ku tilmaamay sameynta Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya tallaabo istaraatiiji ah oo horseedi doonta in bulshada Soomaaliyeed lagu wacyi-geliyo khataraha cimilada, isla markaana dalka loo diyaariyo qorshe horumarineed oo waara, haddii Baarlamaanku ansixiyo.

