DF Soomaaliya oo war kasoo saartay xiisadda Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay xiisada haatan ka taagan gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qoraalkan oo uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa marka hore baaq nabadeed loogu diray dhinacya isku haya Beledweyne.

Wasiirka Afrax ayaa sidoo kale ku booriyay labada dhinac in ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara inay kasii darto xiisada haatan laga dareemayo halkaasi.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday waxgaradka, duubabka dhaqanka & qaybaha kala duwan bulshada waxa uu ka dalbaday in ay u istaagaan, sidii wax looga qaban lahaa xiisadaasi.

“Wasaaradu waxay ugu baaqeysaa Duubabka, Nabadoonada, Culimaa’udiinka, Ganacsataga, Haweenka iyo Dhalinyarada in ay isu taagaan iyagoo iska kaashanaaya soo celinta iyo adkeynta xasiloonida maadaama dalku doorasho aaday Beledweynana ay ka mid tahay goobaha deegaan doorashada loo asteeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in reer Beledweyne looga baahan yahay inay tabashadooda ku soo bandhigaan si nabad doon, si looga fogaado dagaallo hor leh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Xuud uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Xuud oo ka gadooday doorashadii HirShabelle ayaa si weyn uga soo horjeeda in mas’uuliyiinta maamulkaasi ay ku howl-galaan gudaha magaaladaasi.

Si kastaba xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana socda dadaallo lagu qaboojinayo xiisada Beledweyne oo ka dhalatay shir ay golaha wasiirada HirShabelle ku yeesheen magaaladaas.