DF Soomaaliya oo xirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si KMG ah oo loo xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, kadib markii ay booqdeen guddiga xaqiiqo raadinta ee loo diray inay soo qiimeeyaan shilkii diyaaradeed ee maalintii Taaladada ka dhacay gudaha garoonkaasi.

Axmed Macalin Xasan agaasimaha duulista rayidka Soomaaliya oo ka mid xubnaha booqday garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay inuu sii xirnaan garoonka, inta uu ka socda baaritaanka lagu hayo waxa sababay diyaaraddii ku burburtay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ku guulaysteen in ay diyaaradda ka soo bixiyaan labada santuuq ee kaydisa xogta,  halkaasna laga ogaa doono waxa sababay shilka diyaaradeed ee ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in garoonka muddada uu xiran yahay ay ka nadiifin doonaan burburka diyaaraddii ku dhacday gudaha garoonkaasi.

Agaasimaha duulista rayidka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay wax ka bedali doonaan howlaha garoonkaasi, islamarkaana ay geynayaan shaqaale iyo galab.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la shaaciyey in shilkii diyaaradeed ee dhowaan ka dhacay garoonka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu sababay Dameer soo galay dhabaha loogu-talagay inay diyaaradaha ku ordaan.