ITOOBIYA oo billowday buuxinta biyo-xireenka Nile xilli ay diidan tahay Masar

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa bilowday buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile, sida uu Arbacada maanta ah xaqiijiyay wasiirka biyaha ee dalkaasi.

Tani ayaa imaneysa maalin uu ka dib markii wadaxaajood dhexmarayay dalalka Ethiopia, Sudan iyo Masar oo ku saabsanaa mashruuca biyo-xireenkan weyn ee Wabiga Niil-ka buluugga ah uu hakaday.

Suudaan iyo Masar ayaa labaduba ka walwalsan in biyo-xireenkan oo ku kacaya lacag dhan afar bilyan oo doollar uu u horseedi karo hoos u dhaca biyaha ee ay dalalkoodu helaan.

“Dhismaha biya-xireenka iyo buuxintiisa ayaa wada socota,” ayuu khudbad TV-ga laga sii daayay ku yiri wasiirka biyaha ee Ethiopia Seleshi Bekele. “Buuxinta biya-xireenka uma baahna in lala sugo dhameystirka dhismaha biya-xireenka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa sheegay in heerka biyuhu ay ka kordheen 525 mitir ilaa 560 mitir.

Hadalka Seleshi ayaan lagu sheegin haddii ay Ethiopia xirtay albaabada biyo xireenka. Aagga uu biya-xireenku ku yaallo ayaa waxaa dhowaan ka da’ay roobab aad u xoogan.

Hase ahaatee wasiirka, afhayeenkiisa, iyo afhayeenka xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaan faahfaahinno dheeri ah bixin buuxinta biya-xireenka.

Mashruucan biya-xireenka ayaa sare u qaaday welwelka ay Masar ka qabto xaddidaad dheeri ah oo ku timaadda biyaha ay ka hesho wabiga Nile oo dadkeeda oo 100 milyan ka badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Wabiga Niilka Buluugga ah ayaa ah isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda nadiif ah.

Masar ayaa weydiisatay Ethiopia in ay si deg deg ah u caddeyso haddii ay bilowday buuxinta keydka biya-xireenkan, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Talaadadii ayaa waxaa fashil ku dhamaaday wadahadallo u dhexeeyey saddexdan dal si loo xakameeyo qulqulka biyaha ee biyo xireenka.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Stephane Dujarric ayaa wariyeyaasha u sheegay in Xogahayaha Guud Antonio Guterres uu ku booriyey saddexda dal in ay “maalmaha soo socda ka faa’iidaystaan fursadaha si ay u xalliyaan khilaafaadka hareeyey islamarkaana u gaaraan heshiis faa’iido u leh dadkooda.”

Biyo-xireenkan ayaa laga dhisayaa meel qiyaastii 15 km u jirta xadka Sudan. Sudan iyo Masar ayaaa raadinaya heshiis sharci ah oo ay dalalkani kala saxiixdaan ka hor inta aan la buuxin biya-xireenka.

REUTERS + VOA