Cali Mahdi, Sheekh Shariif  iyo Xasan Sheekh oo xal u raadinaya Mudullood (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billaabay kulamo ay xal ugu raadinayaan khilaaf culus oo soo kala dhaxgalay hoggaanka dhaqanka iyo qaar kamid ah siyaasiinta Mudullood, kaas oo ka dhashay arrimo la xariira shirkii baaqday 13-kii bishan.

Madaxweynayaashaan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo xubno kale oo qeyb ka ah khilaafka oo ay ku jiraan guddiga qaban qaabada ee uu madax u yahay Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Senator Muuse ka dalbaday inuu u tago Ugaaska islamarkaana ka xaalmariyo hadallo kulul oo dhaxmray habeeno ka hor, halka Ugaaskana uu ka dalbaday inuu qaato kuna samro wax kasta oo uga yimaada dadka Mudullood maadaama uu yahay Ugaaska, islamarkaana ay imaan karaan tabashooyin badan.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in si gaar ah Madaxweynayaasha usoo xalin doonaan waxyaabaha keenay muranka iyo doodo ka taagan dadka ka soo qeyb geli doona shirka oo ka socda Mudullood, kuwaas oo isugu jira mucaarad iyo muxaafad.

Lama oga sida uu ku dhamaan doono khilaafkan oo ah kii ugu adkaa ee soo kala dhaxgala xubnahaa ugu sarreeya Mudullood iyo kii ugu adkaa ee soo mara sanadihii ugu dambeeyay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in ay ka dambeyso dowladda federaalka Soomaaliya oo lacago waali ah ku harqisay baaqashada shirka.