Turkiga oo xiray ‘lab-dhidig’ aflagaadeeyay Islaamka iyo Nebi Muxamad SCW

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa xabsiga u taxaabtay Nin lab iyo dhidig isku ah oo u ololeyn jiray inay is-guursan karaan dadka isku jinsiga ah, kadib markii uu aflagaadeeyay Diinta suuban ee Islaamka.

Ciidamada Turkiga ayaa Ninkaasi oo kamid ahaa koox lagu magacaabo SHAWAD, oo u ololeysa dadka isku jinsiga ah inay is-guursadaan, shalay xabsiga dhigtay kadib markii lagu eedeyay inuu aflagaadeeyay Diinta Islaamka, isagoona u gafay Nebigeena suuban (Scw).

Ninkan ayaa loo haysta sawirro iyo majaajilo uu ku dhex baahiyay baraha bulshada, kuwaasi oo ugu gafayo nabigeena Muxamad Scw, iyada oo isla markiiba lagu soo oogay dambiga af-xumada ah ee loo haysto.

Suleyman Soylu, Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa inuu bixiyay amarka Ninkan loo soo xiray inuu aflagaadeyay Nebiga, isagoona qaab cajiib ah uga hadlay xarigiisa.

Wasiir Soylu ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray hadal kooban oo macnihiisu uu noqonayo “Waxa gacanta lagu soo dhigay mid kamida kuwii Labo-dhidiga ahaa ee Nabigeena aflagaadeeyay”.

Ninkaasi oo ku xiran Istanbul ayaa si rasmiya loo gudbiyey dacwadiisa, iyada oo gal dacwadeedka dambiga loo haysto ay kusoo oogtay xeer ilaalinta guud, iyada oo ay ku lifaaqan tahay majaajilo aflagaadeyn ah oo loo haysto.